Man United Mise Liverpool? Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka Old Trafford Ka Dhici Doona Axada

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka sida weyn loo sugayo ee Axada dhex mari doona kooxaha Man United iyo Liverpool kana dhici doona Old Trafford.

Dimitar Berbatov ayaa rumaysan in ay Man United garaaci doonto kooxda Liverpool kulanka Axada ee ka dhici doona Old Trafford Axada.

Xiddigii hore ee Man United ayaa sheegay in uu kulanku noqon doono mid aad isugu dhaw laakiin ay United garaaci doonto Liverpool kadib kalsoonidii ay ka heleen garaacistii chelsea.

Liverpool ayaa dhankeeda bar-baro 0/0 ah la gashay Bayern Munich kulan ka tirsanaa champions League halka ayna sidoo kale qaab ciyaareed fiican ku jirin kulamadii ugu dambeeyay.

“Waxa aan filayaa kulan adag, kulamada runtii waa qaar adag”ayuu Berbatov yidhi.

“Marka loo eego kalsoonida ay United ku jirto iyo Paul Pogba oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxan filayaa in ay garaaci karaan Liverpool”.

“Liverpool waxa ay kulan adag soo qaadatay kulankii Bayern Munich halka ay Man United garaacday Chelsea waxana u malaynayaa in ay wiilasha Ole Gunnar Solsjkaer garaaci doonaan Liverpool”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here