Man United Mise Chelsea? Gareth Bale Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo & Real Madrid Oo Qorshe Kale Wadata.

0

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United laakiin madaxda Real Madrid ayaa doonaya in ay ka iibiyaan kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Wales ayaa lala xiriirinayaa ku laabansahda England xilli uu Bale doonayo in uu ku biiro kooxda Man United.

Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa xiiso u muujiyay xiddigii hore ee Tottenham laakiin Real Madrid ayaa doonaysa in ay xiddiga ka iibiso Chelsea sida laga soo xigtay MARCA.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa wada leh xiriir fiican heshiiskaasna waxa uu saamayn ku yeelan karaa baacsiga ay Real Madrid ugu jirto Eden Hazard.

Bale ayaa Real Madrid ku biiray xagaagii 2013 waxana uu kooxda kula guulaystay 4 champions League laakiin wakhtiga ayaa ka dhamaanaya Real Madrid si ay uga soo ceshato lacagtii 90 milyan ahayd ee ay ka bixisay xiddiga.

Real Madrid ayaa la aaminsan yahay in ay doonayaan in ay 29 jirkan iska iibiyaan xagaaga xilli uu heshiiskiisa haatan dhici doono 2022.

Waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay ku iibiyaan lacag dhan 131 milyan oo euro laakiin ma oga in ay labada kooxood diyaar u yihiin lacagtaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here