Man United & Chelsea Oo Dalab Ka Gudbin Doona Xiddig U Ciyaara Tottenham

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay labadooduba dalabyo ka gudbin doonaa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christain Eriksen marka la gaadho suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Tottenham ayaa lala xiriirinayay kooxda Real Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa isaga hadhay xiisaha ay u qabtay xiddiga.

Spurs ayaa lagu soo waramayaa in ay kor ugu qaaday lacagta lagu heli karo Eriksen lacag dhan 200 oo Milyan oo euo kaas oo kooxda Jooga ilaa xagaagii 2013.

Wargayska Express ayaa sheegaya in kooxaha United iyo chelsea diyaarinayaan dalab ay ka gudbin doonaan xiddiga reer Denmark marka la gaadho xagaaga.

Si kasta h ahaatee United iyo chelsea ayaa tartan adag kala kulmi doona kooxaha Bayern Munich iyo PSG kuwaas oo dhankooda doonaya xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here