Man City Oo Xasuuqii Ugu Weynaa Gaadhsiisay Rotherham United & Citizen Oo Iska Xaadirisay Wareega Xiga

0

Kooxda Man City ayaa guul ay nus darsin goolal ah ka dhalisay ka gaadhay kooxda Rotherham United kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka.

Tababare Pep Guardiola ayaa shax adag ku soo galay kulanka inkasta oo la filayay in uu xiddigo da,yar ah ciyaarsiiyo kulanka.

Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah ciyaartana dilaan.

Daqiiqadii 12-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Man city oo ku ciyaaraysay garoonkeeda ayaa dhan walba ka maamulaystay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaaa kooxda Rotherham United.

Man City ayaa daqiiqadii 43-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga da,yarka ah ee Phil Foden kaac oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa si cajiib ah ugu raaxaysanayay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay wakhti horeba ciyaarta dilaan.

Daqiiqadii 45-aad ayay man City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Semi Ajayi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Man City ku hogaaminayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay man City si raaxo leh u ciyaartay waliba dhalisay goolalkii ay doonayeen.

Man city ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta qaybtii dambe iyaga oo ay ka go,nayd in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 53-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Man City ayaa halkii kasii waday goolasha iyaga oo daqiiqadii 73-aad dhaliyay goolka 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa.

Waxa ay City markan masuuliyada gool dhalinta u xil saartay daafaca reer Argentine ee Nicolas Otamendi kaas oo dhaliyay goolka daqiiqadii 78-aad.

Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 85-aad dhalisay goolkii 7-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Leroy Sane.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man City sidaas ku gaadhay guul weyn oo taariikhi ah iskana xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here