Man City Oo Sharaxday Sababtii Ay Barcelona Ugu Garaacday Saxiixa Frenkie De Jong

0

Koxoda Man City ayaa afka furtay oo sharaxaad ka bixisay sababtii ay Barcelona ugu garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

Man City ayaa diiday in ay lacag waali ah ku bixiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ajax Frenkie de Jong kaas oo xalay ku biiray kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa baanka u jabisat da,yarka iyada oo ka bixisay lacag dhan 90 milyan oo euro si Rasmi ahna xalay ugu dhawaaqday saxiixiisa.

21 jirkan ayaa xagaaga dambe heshiis 5 sano ah ugu biiri doona Camp Nou isaga oo sanadkii qaadan doona lacag dhan 16 milyan oo euro.

Laakiin ilo wareedyo ku dhaw kooxda difaacanaysa premier League ayaa sheegaysa in ayna Man City cabaynayn kadib markii ay iska diiday in ay la kulanto lacag 307 kun ee Gini ee mushaharka todobaadka ah ee uu dalbaday De Jong.

Kooxda difaacanaysa premier League ee Man City ayaan haatan la filayn in ay samayso wax saxiix ah todobaadyada ka hadhay suuqa bishan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here