Man City Oo Ku Dhaw Saxiixa Lionel Messi-ga Cusub, Argentine Ayay Ka Arkoodeen.

0

Kooxda Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga lagu naanayso Lionel Messi-ga cusub kaas oo lagu magacaabo Thiago Almada kaas oo ay adeegiisa doonayaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City xitaa doonaysa in ay xiddiga heshiis amaah ah ku siiso kooxda Girona hadii ay FIFA dusha ka saarto suuqa kala iibsiga.

Indha indheeyayaasha kooxda Man City ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay xiddiga Thiago Almada inkasta oo ay xaqiiqdu tahay in uu kaliya 18 jir noqday jimcihii la soo dhaafay.

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay 23 milyan oo euro ka bixiso xiddiga 18 jirka ah si ay adeegiisa u dhamaystiraan sida ugu dhakhsaha badan si aanay koox kale ugula tartamin adeegiisa.

Xiddiga reer Argentine ee Thiago Almada ayaa lagu qiimeeyaa da,yarka ugi fiican dalkiisa Argentine wakhti xaadirkan xilli xitaa la bar-bar dhigo tayada uu Leeyahay Lionel Messi.

Khabiirada kubada cagta ayaa sheegaya in uu Thiago Almada yahay xiddig raaci doona wadadii xiddiga ay isku dalka yihiin waliba noqon doono xiddiga ugu fiican adduunka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here