Man City Oo Hal Gool Oo Dirqi Ah Uga Awood Sheegatay West Ham , Ciyaar Lagu Caajiso Ayay Aheyd

Man City ayaa biloowgii kubadda ka haysatay kooxda West Ham United , waxa ayna ciyaarayeen kubad baasas gaagaban leh waa ayna u diideen kooxda martida ah in ay la qeybsadaan .

City dhowr fursad xaqiiq ah ayay daqiiqadihii biloowga iska qasaariyeen, waxa ayna ahaayeen dhanka mudan goosha maadaama guud ahaan kubadda ay cagta ugu jirta kooxda Pep .

West Ham waxa ay ciyaaryeen kubad daafac ah oo horay uma aysan soo dhaqaaqeyn oo kubadda waxa ay ku wareeganeysay aagga gooshooda , halka City ay ka go`neyd in mar uun ay booqdaan shabaqa kooxda martida ah .

Kulanka City iyo West Ham waxa uu u muuqday mid hal dhinac ah oo City ayaa kubadda ku badneyd waliba waxa ay ku maamulayeen aagga kooxda martida ah balse halis gilin buuxda ma jirrin maadaama daafaca ka soo hor jeeda ahaayeen kuwo foojigan.

West Ham waa ku adkeyd in kubadda iska soo fogeeyaan halka City iyana ku adkeyd in dadaalkooda u turjumaan goolal maadaama laga hor istaagayay isku day waliba .

City si waliba kubadda oo ay dhisaan kubada ayna u gaarsiiyaan goosha West Ham hadana sidii la rabay ma aheyn waxaana qeybtaas la tabayay Raheem , waxa ayna kooxda martida dhamaadkii isku dayayeen in kubadda ay horay u soo jiidaan balse durba waa la soo celinayay , waxaana lagu nastay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah.

Soo laabashadii , City sidii qeybta hore iyaga aya kubadda ku badnaa balse daqiiqadi 50-aad gool ayaa waxaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayahooda ka dib kubad weear rogaal celis ah oo ay soo qaadeen kooxda West Ham United

Ka dib dhacadaas , City kama aysan qaadin niyad jab isku dayadiina sidii ayay u sii wadeen waxa ayna daqiiqaddii 55-aad soo giliyeen Raheem oo loo badalay Riyad Mehraz , waxa ayna kubadda gaarsiinayeen goosha West Ham

Dadaalkii City waxaa ku yimid gool rigoore ah waxaana dhaliyay Aguero daqiiqaddii 59-aad iyadoo ka dib goolkaas ay City ahaayeen dhanka kubadda maamulayay .

Ma jirrin sheekooyin gaar ah oo laga qoro kulanka maadaama City aheyd dhanka mar waliba kubadda u badan waxa ayna baadi goob ugu jireen gool labaad oo wel welka ka yareeya taageeryaasha City.

Dhamaadka , waxa ay aheyd ciyarta aheyd mid deggan inakstoo guud ahaan kulanka oo idil uu ahaa mid lagu caajiso hadana City iyaga ayaa kubadda ku hayay cagtooda , waxa ayna ciyaarta ku dhaamaty guul hal gool ahyed oo ay City gaareen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here