Man City Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Swansea City Iskana Xaadirisay Semi-finalka FA Cup-ka.

0

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Swansea City kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Swansea ayaa ka yaabsatay kooxda Man City kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Swansea ayaa weeraro rogaal celis ah kaga yaabsatay kooxda Man City iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 20-aad ayay Swansea City dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matt Grimes kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdisa.

Swansea ayaa sii waday dadaalka waxana ay daqiiqadii 29-aad dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bersant Celina Kaas oo ka dhigay 2/0.

Waxa siaas ku dhamaatayy qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Swansea soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay 2 gool ugu hor martay.

Laakiin Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man City la soo baxday hub gaar ah iyaga oo raadinayay sidii ay u dhalin lahayeen goolal.

Daqiiqadii 69-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay bilaabeen raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro waali ah maamulayayna ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay City dhaisay goolka 2-aad ee ciyaarta xilli uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Kristoffer Nordfeldt ahna goolhayaha kooxda.

Sergio Aguero ayaa daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/2 ay Kooxda Man City guul ugu gaadhay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here