Man City Oo Guul Kala Soo Laabatay Bournemouth , Riyad Mahrez Ayaa Looga Mahad Celinayaa Xilli City Laba Xiddig Looga Saaray Dhaawac.

Bournemouth iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli guud ahaan qeybtaas ay kubadda maamulayeen kooxda Man City .

Kooxda martida loo ahaa waxa ay ciyaarayeen kubad daafac ah oo guud ahaan waxa ay ciyaartooyda City u diideen in ay helaan kubadda meel ay ka dusiyaan .

Kaliya hal jeer ayay City kubadda ku laadeen goosha Bournemouth waxa ayna la daala dhacayeen in kubad haysashadooda u turjumaan goolal balse kooxda loo martiyay waa diidanaayeen isku day waliba .

City waxaa dhamaadka qeybta koowaad dhaawac looga soo saaray De Bruyne iyadoo daqiiqaddii 45-aad uu tababare Klopp soo giliyay Riyad Mahraz , waxaana nasiinada lagu aaday bar bar dhacaas bilaa goolashaah .

Qeybta labaad , City dhaawac kale ayaa haleelay waxaana daafacooda John Stones lagu badalay Vincent Kompany , waxa ayna aheyd daqiiqadi 48-aad

Inkastoo City badalkaas sameeyeen hadana kubadda iyaga ayaa weli hayay oo cagtooda kama fogaaneyn balse daafac darbi ah ayaa hor taagnaa , waxaana sida muuqatay kooxda martida loo ahaa baadi goob ugu jireen in ay City ku dillaan kubadaha rogal celiska .

Ka dib kubad ka dhammaan wayday goosha Bournemouth waxa ay City heleen gool waxaana daqiiqaddii 55-aad saxiixay Riyad Mehraz .

Mararka qaar waxa uu jawiga ciyaarta u muuqanayay mid hal dhinac ah maadaama kooxda Bournemouth kaliya ay ku jireen is difaacid oo waa adkeyd in ay kubadda u soo jiidaan dhanka goosha Man City , waxa ayna kooxda Pep ku sigteen gool labaad balse waxa u diiday goolahayaha ka dib kubad uu Raheem ku helay afka hroe goosha Bournemouth .

Ka Dib dhacdaas , City dhowr fursad ayay iska qasaariyeen waxa ayna dagaal ugu jireen in gool labaad helaan xilli Bournemouth kulankaan kaliya ay ciyaarayeen nidaamka daafaca , waxaana daqiiqaidi 81-aad gool cajiib noqon waxa ay birta kaga dhacdaty Aguero ka dib kubad uu qajafeeyay , haddii uu goolkaas noqon lahaa waxa uu noqon lahaa goolka bisha

Daqiiqaddii 89-aad , waxa ay City ku sigteen in ay dhaliyaan gool labaad balse waxaa laga diiday Maheraz ka dib kubad uu madaxeeyay waxaana si cajiib ah u bad baadiyay goolahayaha Bournemouth iyadoo Aguero la saaray daqiiqadii 90-aad waxaana la soo giliyay Gabriel Jesus. , waxa ayna ciyaarta guud ahaan ku dhamaatay halkaas gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here