Man City Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Huddersfield Town Xilli Ay Soo Yaraysay Dhibcaha Ay Ka Dambayso Liverpool

Kooxda Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

City ayaa kulanka soo gashay iyaga oo qalbiga ku hayay in ay u baahan yihiin guul si ay u raacaan kooxda Liverpool 4 dhibcoodna ka dhigaan dhibcaha ay ka dambeeyaan hogaanka.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa daqiiqadii 18-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu uu dhaliyay xiddiga Danilo kaas oo ciyaarta ka ka dhiga 1/0.

Huddersfield Town ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin waxa ayku fashilmeen in ay wax gool ah u badalaan fursado yar oo ay heleen.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City ku hogaaminayso 1/0 soona bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ayay man City si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Daqiqiadii 54-aad ayay Dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga garbaka uga ciyaara ee Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen sidii ay u raadin lahaayeen goolal kale oo ay ku badsanaad goolasha ciyaarta.

Kadib fursado badan oo ay sameeyeen daqiiqadii 56-aad ayay dhalisay City goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Leroy Sane kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Huddersfield Town ayaa heshay fursado yar-yar oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin waxa ka dhalin waayeen wax gool ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay sidaasna 4 dhibcood ka dhigtay dhibcaha ay ka dambayso Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here