Man City Oo Garaacday Crystal Palace, Raheem Sterling Oo Laba Gool Dhaliyay & Sky Blues Oo Hogaanka Horyaalka La Wareegtay

Kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka Premier League kooxda Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Selhurst Park.

Kooxda Man Citya ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay Crystal Palace ka dhaliyaan goolal wakhti hore ah si ay ciyaarta u dilaan.

Daqiiqadii 15-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Man City ayaa isku dayday in ay sii dheerasato hogaanka iyaga oo sameeyay fursado badan waliba maamulayay ciyaarta laakiin Waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City 1/0 ku hogaaminayso waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadaha ay samaysay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Ayay City si fiican ku bilabatay iyaga oo doonayay in ay Dhaliyaan goolal kale oo ay ku hubsadaan saddexda dhibcood ee ciyaarta.

Daqiiqadii 63-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay isla xiddiga Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay City ku hogaaminayso.

Kooxda Crystal Palace ayaa iska caabin samaysay iyaga oo keenay goolka 1-aad ee ciyaarta daqiiqadii 81-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luka Milivojevic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Man City ayaan ka caajisin in ay ciyaarta disho ka hor inta ayna Crystal Palace ku soo laaban ciyaarta goolka bar-barahan ka dhalin ciyaarta.

Daqiiqadii 90-aad ayay City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo gabi ahaan ciyaarta dilay kana dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul ay u qalantay sidaasna ugu soo laabatay hogaanka horyaalka premier league iyada oo haatan sugaysa hadyad ay Chelsea u dirto una qabato Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here