Man City Oo Garaacday Arsenal, Sergio Aguero Oo Dhaliyay Saddexley & Man City Oo Cadaadiska Saartay Liverpool

0

Kooxda Man City ayaa si xarago leh u garaacday kooxda Arsenal kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier league toodbaadkiisii 25-aad.

Man City ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay wakhti horeba Arsenal gool kaga naxsadaan.

City ayay u suurtagashay wixii ay doonayeen waxana ay 51 Il Bidhiqsiba ku dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Sergio Aguero kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man City.

Arsenal ayaan si dhib yar isku dhiibin waxana ay bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro ay ku raadinayeen.

Manchester City vs Arsenal LIVE – Pep Guardiola looks to keep Premier League title race

Daqiiqadii 11-aad ayay Gunners ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Laurent Koscielny kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Arsenal ayaa u muuqatay mid ka halis badan kooxda Man City kuwaas oo ciyaarayay baas-baas laakiin aan samaynayn fursado halis leh.

Laakiin Man City ayaa mar kale ka midho dhalisay khaladaadka Arsenal waxana uu Sergio Aguero daqiiqadii 44-aad u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Kooxda Man City 1/0 ku hogaaminayso laakiin Arsenal daqiiqado samaysay iska caabin.

Qaybtii dambe ayay City si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka waliba Arsenal ka dilaan rajada dib ugu soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 61-aad ayay City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Sergio Ageuro kaas oo dhaliyay goolkii 3-aad ee ciyaarta iyo goolkiisii 3-aad ee shaqsiga ahaa.

Arsenal ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin waxa ay u muuqdeen qaar niyad jabay waxana xitaa ku adkaatay in ay fursad gool laga dhalin karo sameeyaan.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City 2 dhibcood oo kaliya ka dhigtay dhibcaha ay ka dambayso hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here