Man City Oo Doonaysa In Ay Man United La Wareegto Xiddigeedii Hore Ee Jadon Sancho, Sabab

0

Kooxda Man City ayaa doonaysa in uu xiddigoodii hore ee Jadon Sancho ku biiro kooxda Ay xafiiltamaan ee Man United marka la gaadho xagaaga.

Sababta ayaa ah in ay Man City heli doonto lacag dhan 15 milyan oo euro oo ka mid ah lacagta uu Jadon Sancho ugu biiro United.

Wargayska Sunsport ayaa sheegaya in da,yarka aadka loo qiimooeyo diirada u saaran yahay Man United kuwaas oo doonaya adeegiisa xagaaga.

Kooxda Man City ayaa xiddiga iska fasaxday suuqii xagaaga ee 2017 kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sidaas darteed hadii uu Sancho ku biiro Man United suuqa xagaaga City ayaa lacag fiican ka faa,iidaysa marka loo eego in ay kaliya 9 milyan ku biisay.

Xiddiga ayaa haatan wacdaro ka dhigaya kooxda Borussia Dortmund oo uu ka yahay xiddig si joogto ah ugu ciyaara kooxda 1-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here