Man City Oo 200 Oo Milyan Kula Soo Wareegaysa 4 Xiddig Suuqa Xagaaga

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Man City tababare Pep Guardiola miiska u saari doonto lacag uu kula soo saxiixdo 4 xiddig.

Koxoda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa xagaaga galiso lacag dhan 200 oo milyan oo euro si ay u xoojiso kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daafac Bidix ayaa noqon doona bartilmaameedka 1-aad ee uu tababare Pep Guardiola doonayo in uu xoojiyo kadib markii uu Xiddiga Benjamin Mendy ka bixi waayay dhaawac kadib markii uu 52 milyan ugu soo biiray kooxda.

“Waxa jirta 3 ama 4 boos oo aan doonayno in aan xoojino dhamaadka xilli ciyaareedkan si aan isugu diyaarino xilli ciyaareedka cusub, daafac Bidix waxa uu ka mid yahay bartilmaameedka 2-aad sababta oo ah Mendy wuu dhaawacan yahay labadii xilli ciyaareed waanan ka wal-walsanahay”.

“Waxa jirta sidoo kale in aan la soo saxiixan karno xiddig khadka dhexe ah laakiin kuuma sheegayo labada boos ee kale ama labada xiddig ee kale”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Man City wadahadalo kula jirto xiddiga khadka dhexe ee İlkay Gündoğan si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here