Man City Oo 1/0 Ku Khaarajisay Burton Albion Markii 2-aad Oo Xiriir Ahna Iska Xaadirisay Finalka Carabao cup-ka

Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay Finalka Carabao cup-ka kadib guul ay ka gaadheen kooxda Burton Albion kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-finalka tartanka.

Pep Guadiola oo ay kooxdiisu guul weyn oo 9/0 ah ka soo gaadhay kooxda Burton Albion ayaa ku soo galay shax da,yar u badan oo ay dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah ku jiraan.

City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo samaynayay fursado xiriir ah halka kooxda Burton Albion lafteedu ay qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Man City ayaa daqiiqadii 26-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Aguero kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Burton Albion ayaa heshay fursado yar laakiin waxa ay si lama filaan ah isaga khasaariyeen fursadahaas iyaga oo aan wax gool ah ka dhalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City 1/0 ku hogaaminayso waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Burton Albion u muuqatay qaar ka ciyaar fiican Man City iyaga oo qaadayay weeraro halis ah.

Burton Albion ayaa si lama filaan ah isaga khasaarisay dhawr fursadood oo ay ku dhalin kareen goolka bar-baraha laakiin umay suurtagalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas 10 gool uo waxba ugu guulaystay labadii kulan ee semi-finalka sidaasna markii 2-aad oo xiriir ah iska xaadirisay finalka Carabao cup-ka

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here