Man City Mise Liverpool?Alisson Oo Saadaaliyay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson ayaa saadaalin ka bixiyay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Alisson ayaa qirtay in ay kooxda Man City wali tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa 4 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo hogaanka u haya in kasta oo ay guuldaro kala kulmeen Man City.

Si kasta ha ahaatee Alisson ayaa rumaysan in ay Man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka inkasta oo ay kooxdiisu hogaanka u hayso.

“City waxa ay xoojisay kooxdeeda waxana ay si raaxo leh ku qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii hore”.

“Sidoo kale waxa ay xoojiyeen kooxda suuqii Xagaaga sidaas darteed kooxdoodu wali way fiican tahay”.

“Waa koox adag waana kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay Man City tahay koox adag hadana Alisson ayaa aaminsan in ay Liverpool tahay koox adag kuna guulaysan karto horyaalka premier League.

“Si kasta ha ahaatee waxa aan sidoo kale leenahay hami in aan u guulaysano xilli ciyaareedkan, marka loo eego tayada kooxda joogta waan ku guulaysan karnaa hadii aan sidaas ku sii socon”ayuu sii raaciyay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here