Man City Mise Liverpool? Rio Ferdinand Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Premier League & Sababta Oo Uu Sharaxay

Kooxaha Man City Ama Liverpool ayuu midkood ku guulaysan doonaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan?

Hadii aad tahay taageere Man United ah midkoodna uma fiicna in ay ku guulaystaan horyaalka Premier league Laakiin halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa ka dhiibtay fikirkiisa iyo kooxda uu doonayo in ay ku guulaysato premier League.

Marka la eego haatan Liverpool ayaa hogaaminaysa ku guulaysiga horyaalka premier League maadama ay ku jiro kaalinta 1-aad.

Laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa hal kulan gacanta ku haysata kadib markii ay Reds kala wareegtay hogaanka Axadii kadib guushii ay ka gaadhay Fulham.

Yaa Ku Guulaysan doona horyaalka ayaa ah su,aasha qof walba ku jirta maskaxdiisa laakiin shaki la,aan Liverpool ama Man City ayuu midkood kor u qaadi doonaan horyaalka.

Hadaba kooxdee ayuu Rio Ferdinand doonayaa in ay ku guulaysato horyaalka premier League?

“Waa Suurtagalnimada ugu xun qof walba oo taageere u ah Man United ama u soo ciyaaray  Man United, anigu waxa aan ahay falanqeeye waliba ay tahay in uu kor uga hadlo arinta”ayuu Rio Ferdinand u sheegay Mirror Sport.

“Sidaas darteed waxa fiican in ay ku guulaysato Man City horyaalka maadama aan horay u arkay iyada oo ku guulaysanaysa”.

“Waxa aan u arkay iyada oo ku guulaysanaysa horyaalka markii aan ciyaaryahanka ahaan sidaas darteed waan maamuli karaa dareenkayga”.

Markii la waydiiyay sida uu u dhaqmi doono marka ay labada kooxood midkood ku guulaystaan horyaalka ayuu yidhi” Waan damainayaa wax walba, ma jiraan taageerayaal badan oo Man City ah”.

“Laakiin Liverpool waa sheeko kale, Waxa jira taageerayaal aanan xitaa ogayn in ay taageeraan Liverpool kadib markii ay 20 sano aamusnaayeen haatan bilaabay in ay hadlaan xitaa iyaga oo aan ku guulaysan horyaalka, sidaas darteed way xanuun badan tahay in aan arko iyaga oo ku guulaysanaya horyaalka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here