Man City Mise Liverpool? Halyeeyga Reer Brazil Ee Pele Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League

Halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man City Iyo Liverpool ayaa ah kooxaha ku tartamaya tartanka horyaalka premier League iyaga oo 10 dhibcood ka horeeya kooxda ugu soo dhaw.

Halyeeyga Pele ayaa hanashada horyaalka premier League ku taageeray kooxda Liverpool kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Pele ayaa ku kalsoon in ay Reds kor u qaadi doonto koobka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay haatan kaalinta 2-aad ku jirto.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi” Tan ilaa bilowgii waxa aan saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League”.

“Walina waxa aan aaminsanahay in ay ugu dambayn ku guulaysan doonaan premier League xilli ciyaareedkan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here