Madaxweynihii Hore Ee Real Madrid Ramon Calderon Oo Si Cad U Tilmaamay Halka Arin Ee Ay Real Madrid Sida Weyn U Tabayso Xilli Ciyaareedkan

Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid ee Ramon Calderon ayaa magacaabay halka arin ee ay kooxda Real Madrid sida weyn u tabtay xilli ciyaareedkan.

Ramon Calderon ayaa sheegay in ay Iska cadahay in ay Real Madrid tabtay goolashii Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkan.

Calderon ayaa sheegaya in aan eeda dusha laga saarin xiddigaha kooxda haatan jooga maadama ay tabayaan weeraryahanka Cristiano Ronaldo oo haatan u jooga Real Madrid.

“Gooshalashii iyo wax walba oo uu ku lug lahaa, waxa uu ahaa xiddiga ugu muhiimsan taariikhda Real Madrid 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxa ay Real horyaalka dhalisay 43 gool, Barcelona waxa ay dhalisay 64 gool waxa ka maqan 50-kii gool ee Cristaino Ronaldo, waa wax la iska arkayo”.

“Laakiin waxa aan odhan karaa xiddigaha kooxdu waxa ay sameeyeen wax walba oo suurgtagal ah, way dagaalameen, eeda dusha kama saari karto dhibaatada kooxda”.

“Xiddigaha, shaqaalaha tababarka iyo waliba tababaraha kooxdu ma qaban karaan wax kale sababta oo ah waxa ka maqan goolashii CR7″ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here