Macallin Zinedine Zidane oo ka hadlay wararka Raphael Varane la xiriirinaya inuu ka tagayo kooxda Real Madrid

Sida wararku ay sheegayaan macallin Zinedine Zidane ayaa hoos u dhigay wararka Raphael Varane la xiriirinaya inuu ka tagayo kooxda Real Madrid.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay inuu rajaynayo in Raphael Varane uu baaqi ku sii ahaado garoonka Bernabeu.

Difaacan dhexe ee reer France ayaa su’aal la galiyey mustaqbalkiisa kooxda Los Blancos bilihii dhowaa, waxaana inta badan la la xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono kooxda Manchester United.

Varane ayaa horay waxa uu bartilmaameed ugu ahaa Man United markii ay joogeen Macallin Sir Alex Ferguson iyo Jose Mourinho, waxaana xan lagu helay in tababaraha haatan ee kooxda, Ole Gunnar Solskjaer uu sidoo kale doonayo isaga.

Zidane ayaa soo jeediyey in 25-sano jirkaan safarkiisa caasimadda Spain uusan weli soo dhammaan, waxaana uu ku daray inuu ku faraxsan yahay kooxda.

“Dareenkaasi waa mid fiican, waa uu ogyahay waxa uu halkaan ku sameeyay, waana wax iska caadi ah inay jiraan wararka xanta ah ee sheegaya inay doonayaan isaga, laakiin waxaan arkayaa inuu halkaan ku wanaagsan yahay, waa kabtanka afaraad ee halkan, horumarkiisa halkaan weli ma uusan dhammaan.” ayuu Zidane u sheegay Suxufiyiinta.

Varane ayaa ka maqnaa shaxdii kooxda Real Madrid ee xalay guusha ka gaaray Huesca, waxaana sidoo kale difaacan la la xiriirinayey kooxaha Bayern Munich, Paris Saint-Germain iyo Juventus oo goor dambe soo gashay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here