Macalinkii Hore Ee Manchester Sir Alex Ferguson Oo La Dardaarmay Maamulka Mancheser United

0

Leylihii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa dardaaran xoogan u jeediyay maamulka kooxda Manchester United isagoo u sheegay inay si dagan kaga fiirsadaan badalka Jose Mourinho kaa oo isbuucaan laga raacdeeyay kooxda Manchester.

Badalka Shaqada Macalinimo ee kooxda United ayaa lala xiriirinayaa macalimiin dhowr ah kuwaa oo awood xoogan ku leh qaarada Yurub iyo taageerayaasha Manchester United.

Macalin Ole Gunnar Solskjaer Ayaa lagu wadaa in uu noqdo macalinka ku meel gaar-ka kooxda Manchester United kaa oo hogaamin doono inta xilli ciyaareedka ka dhiman waloow ay tirtireen qoraalka ku dhawaaqista ay bartooda Twitter-ka soo dhigeen, waxaa la rajeynayaa saacadaha soo socda ama caawaba in ay shaaciyaan Solskjaer in uu yahay macalinkooda KMG ah.

Ugu dambeyntii Sida ay daabacday The Independent, Sir Alex Ferguson ayaa waano adag u diray maamulka kooxdiisii Hore uu leylin jiray waxa uuna u sheegay inay ka fiirsadaan magaacibista macalinkooda cusub maamulka kooxda Mancheser United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here