Maca-salaama Cesc!! Daawo Fabregas Oo Oohin Is Qaban Waayay Intii Uu Ku Jiray Macasalaamaynta Taageerayaasha Chelsea

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea e ee Cesc Fabregas ayaa xalay soo afjaray 4 sano oo uu joogay kooxda ku Ciyaarta garoonka Stamford Bridge.

Xiddiga reer Spain ayaa ku sii jeeda kooxda Monaco isaga oo xalay ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda chelsea.

Cesc Fabregas ayaa kulankiisii ugu dambeeyay lagu sharfay in uu hogaamiyo kooxda isaga oo loo dhiibay calaamada kabtanimo ee kooxda.

Sidoo kale xiddiga 31 jirka ah ayaa guul ku soo xidhay xirfadiisa Chelsea kulankii xalay inkasta oo uu iska khasaariyay rikoodhe.

Xiddiga ayaa oohin is qaban kari waayay kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ee uu ku soo wareegayay garoonka si uu u macasalaameeyo taageerayaasha Blues.

Halkan Hoose Ka Daawo Qaabkii Uu Cesc Fabregas U Macasalaameeyay Taageerayaasha Blues & Oohintii uu is qaban waayay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here