Maamulka Man United Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Solskjaer, Miyaa Laga Dhigayaa Tababare Buuxa?

Maamulka kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa go,aan ka gaadhay mustaqbalka tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer.

Maamulka Man United ayaan ku deg-degi doonin in ay tababare buuxa u magacaabaan tababare Ole Gunnar Solskjaer inkasta oo uu tababaruhu si fiican ku bilowday shaqadiisa United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa guul gaadhay dhamaan 8-dii kulan ee tartamada oo dhan tan ilaa markii uu kooxda si ku meel gaadh ah ugala wareegay Jose Mourinho bishii December waxana ay taageerayaasha United aaminsan yihiin in uu tusay tayo loogu magacaabi karo tababaraha buuxa ee United.

Laakiin wargayska Mirror ayaa fahamsan in gudoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward iyo milkiilayasha kooxdu ay ku heshiiyeen in badalka Jose Mourinho lagu go,aansan doono maalmaha ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka halka haatan la go,aansan lahaa.

Tababaraha Kooxda Tottemahm ee Mauricio Pochettino ayaa ah bartilmaameedkooda 1-aad kadib markii ay Tottenham ka hadhay Carabao cup-ka kadib guuldaradii Chelsea ka soo saadhay.

Laakiin Maamulka United ayaa ku faraxsan in ay uu tababare Solskjaer soo gali doono dookhyadooda hadii uu sii wado shaqada fiican ee uu ka wado haatan kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here