Maamulka Man United Oo Digniin Adag Siiyey Tababare Ole Gunnar Solskjaer Iyo Alexis Sanchez Oo Sabab U Ahaa

Maamulka sare ee kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa digniin adag u diray tababare Ole Gunnar Solskjaer, kaddib markii uu u sheegay in aanu doonaynin inuu kooxdiisa kasii mid ahaado Alexis Sanchez.

Xiddiga reer Chile oo January 2018 kaga soo biiray Man United kooxda Arsenal, ayaan weli helin qaab ciyaareed fiican, isagoo dhinaca kalena ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan ee jooga Old Trafford.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysan yahay inuu maamulka sare la wadaagay walaac uu ka qabo bandhig ciyaareedka Sanchez iyo sida aanu ugu habboonayn kooxdiisa, isaga oo waliba u caddeeyey in aanu qorshaha ugu jirin inuu boos joogto ah siiyo.

Laakiin sida uu qoray wargeyska Evening Standard, boodhka sare ee maamula Manchester United ayaa u sheegay Solskjaer in Sanchez aanu meelna tegaynin xagaaga soo socda oo uu sii joogi doono Old Trafford, ayna tahay inuu bogga koowaad kaga darsado qorshihiisa oo uu ciyaarsiiyo.

Solskjaer oo la filayo in dhawaan si rasmi ah loogu magacaabo shaqada uu sida ku-meelgaadhka ah u hayo, ayaa doonayey in haddii ay maamulku la qaataan walaaciisa ku aaddan Sanchez, inuu weydiisto in laga diro kooxda oo booskiisana la keeno ciyaartoy magac ahaan iyo xirfad ahaanba la mid ah amaba ka sarreeya.

Alexis Sanchez oo waqtigan ku maqan dhaawac ayaa la  filayaa in aanu kusoo laabanin garoomada inta ka dhiman xili ciyaareedka, laakiin sidii hore loo qorsheeyey, bisha dambe ayay ku beegan tahay xilligii uu tababarka dib u bilaabi lahaa.

Manchester United oo kulankeeda ugu soo horreeya ee usbuuca soo aaddan la ciyaari doonta Watford, ayaa waxa dib u heshay Marcus Rahsford, Luke Shaw, Nemanja Matic iyo Anthony Martial oo dhamaantood ciyaarihii caalamiga ahaa ku maqnaa toddobaadkan.

Eric Bailly, Antonio Valencia iyo Matteo Darmain ayaa iyaguna kasoo laabtay dhaawacyo kala duwan oo ay ku maqnaayeen, halka laacibka ugu dambeeya ee la sugayo uu yahay Romelu Lukaku oo ku dhaawacmay ciyaarihii xulka qarankiisa Belgium.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here