“Ma Walba Kama Ciyaari Karo Meesha Uu Isagu Doonayo”:- Ole Gunnar Solskjaer Oo Digniin Adag U Diray Paul Pogba

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa digniin adag u diray xiddigiisa khadka dhexe ee Paul Pogba kulamada ugu dambeeya ee ay Man United u dagaalami doonto boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa Paul Pogba in uuna mar walba ka ciyaari karin meesha uu isagu doonayo.

Tababaraha Man United ayaa qirtay in shaqaalaha tababarku Pogba kala hadheen booskiisa ugu fiican ee khadka dhexe qaab ciyaareedka fiicana ka soo saaraya xilli mararka qaar ay tahay in uu waxa kooxda u fiican naftiisa ka horaysiiyo.

“Qof walba waxa uu fikrad ka haystaa Paul, xitaa si wada jir ah ayaan ula fadhiisanay Paul si aan ugala hadlano booskiisa”ayuu Ole Gunnar Solskjaer yidhi.

“Waxa aan ognahay in uu ka ciyaari karo No.10 ama No.6 waxa aan sidoo kale ognahay in uu ka ciyaari karo booska uu jecelyahay ee ka tirsan saddexda xiddig ee khadka dhexe, sidii uu sameeyay bilowgii wakhtigayga tabababaranimo ee United iyo waliba markii uu joogay Juventus.

“Xulka France waxa uu uga ciyaaray mid ka mid ah labadaas boos ama khadka dhexe ee daafaca isaga oo ka garab ciyaaray xiddiga N’Golo Kante”.

“Sidaas darteed way fiicantahay in uu Paul qaban karo labadaba, waxana aan u baahanahay in ay xiddigaha oo dhan la qabsadaan boosaska kulamada aan u baahanahay in ay boos kale ka ciyaaraan”.

“Kulamada Qaar waxa aan u baahanahay in uu Paul dib u soo dago, mararka qaar waxa aan u baahanahay in uu horay u socdo”.

“Waxa aad arkaysaa kooxaha oo inta badan ka fikira booska Paul si ay u joojiyaan marka uu ka ciyaarayo booskaas, wuu ka duwan yahay xiddigaha kale booskiisa waxa uu faa,iido u yahay kooxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here