Ma Sidanaa U Danbaysay Brazil- Xulka Yar Ee Panama Ee Kaalinta 76 Aad Aduunka Kaga Jira Oo Babraro Ku Qabtay Xulka Brazil IYo Neymar Jr Daawanayay.

Xulka qaranka Brazil ayaa dhaafi kari waayay xulka yar ee Panama oo kaalinta 76 aad kaga jira qiimaynta xulalka aduunka ee FIFA waxayna Panama heleen natiijo cajiib ah kadib markii ay barbaro 1-1 ah ku qabteen xulka kaalinta 3 aad qiimaynta aduunka kaga jira ee Brazil.

Neymar Jr ayaa si awood la’aan ah u daawanayay xulka qarankiisa Brazil oo dhaafi kari waayay Panama laakiin may jirin wax uu ka qaban karayay maadaama oo uu ka shaqaynayo in uu ka soo laabto dhaawicii uu muddada la maqnaa.

Laakiin xaalada Philippe Coutinho ayaa wali ah mid walwal leh isla markaana uu qaab ciyaareedkiisi liitay kala soo muuqday isaga oo Titte u muujiyay in aanu ahayn heerkii uu uga soo bartay laakiin  Lucas Paqueta iyo Richarlison ayaa Tite siiyay wax uu ku farxo.

Shaxihii Labada Xul Ee Brazil iyo Panama ee kulankii Saaxiibtinimo:

Brazil: Ederson, Fagner, Eder Militao, Miranda, Alex Telles, Arthur, Casemiro, Lucas Paqueta, Richarlison, Firmino, Coutinho.

Badalkii: Weverton, Thiago Silva, Marquinhos, Neres, Fabinho, Felipe Anderson, Allan, Gabriel Jesus, Alex Sandro, Everton, Danilo, Alisson.

Panama: Meija Cajar, Murillo, Machado, Cummings, Escobar, Davis, Quintero, Cooper, Godoy, Rodriguez, Torres.

Badalkii: Walker, Browne, Arroyo, Mosquera, Nelson, Blackman, Juan Vargas.

Xulka qaranka Brazil ayaa gool ku hormaray waxaana goolkiisii ugu horeeyay ee Brazil dhaliyay Lucas Paqueta kaas oo u muuqday inuu Selecao siinayo bilaabasho wayn laakiin Panama ayaa goolka barbaraha ka heshay Adolfo Machado kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Panama ayaaba dhamaadkii ciyaarta waxay heli kareen guul ay abid xusuusan lahaayeen laakiin labada xul ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay.

Neymar Jr ayaa ka soo xaadiray garoonka Dragao Stadium laakiin waxa uu daawanayay xulkiisa Brazil oo aan awoodin in ay guul gaadhaan ka hor diyaar garowga koobka Copa America ee ay doonayaan in ay ku guulaystaan.

Tababare Tite ayaa doonaya in uu tijaabo badan sii qaado ka hor Copa America si uu u helo ciyaartoyda muhiimka ah ee uu ku shaqayn doono waxaana kulankii Panama shaxda ku soo bilawday Arthur Melo iyo  Eder Militao.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here