Ma Shaxdan Ayuu Zinedine Zidane Doonayaa In Uu Ku Soo Shir Tago Xili Ciyaareedka Soo Socda? Saxiixyada Macquulka Ah Ee Ay Madrid Samayn Karto Oo Qayb Ka Ah.

0

Real Madrid waxay diyaar u tahay in ay isbadal badan ku samayso kooxdeeda si Zinedine Zidane loo siiyo fursad labaad oo uu kooxda guulo ugu soo celin karo kadib xili ciyaareed musiibo ahaa oo saddex tababare laysku soo badalay. Zidane ayaa doonaya in uu soo celiyo sumcadii iyo guulihii uu Madrid kaga baxay ka hor xili ciyaareedkan dhamaadka ah.

Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa ciyaartoy badan oo magac wayn laakiin dhamaantood uma muuqdaan kuwo ay suurtogal Madrid u tahay in ay la soo saxiixan karaan. Ciyaartoyda Real Madrid lala xidhiidhinayo waxaa ka mid ah Kylian Mbappe, Neymar Jr, Eden Hazard, Sadio Mane, David De Gea, Mouro Icardi iyo magacyo badan oo kale.

Laakiin waxaa jira xidigo ay suurtogal tahay in ay Madrid ka bixi doonaan kuwaas oo ay suurtogal tahay in Zidane uu lacag ka samayn doono. Laakiin Zidane ayaan doonayn in uu isbadal dhamaystiran sameeyo wuxuuna haddaba cadeeyay in xidigo kooxdiisa ka tirsan uu ku sii shaqayn doono.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda macquulka ah ee ay shabakada Gool24 ka saamaysay qorshaha uu Zidane ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub iyada oo aan ku salaynay wararka ugu suurtogalsan ee suuqa kala iibsiga iyo isbadalada uu Zidane samayn karo.

Haddaba halkan kaga bogo shaxda Macquulka ah ee uu Zidane ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub inkasta oo ay wax badani iska badali karaan.

Aan ku bilawnee, Zidane ayaa go’aan ka gaadhi doona goolhaye Keylor Navas iyo Courtois midka uu ka dhigan doono goolhayaha kowaad laakiin Navas ayaa haddaba cadeeyay in aanu aqbali doonin in uu sanad kale ku sii jiro xaaladii xili ciyaareedkan, sidaa daraadeed waxaa la filayaa in Courtois uu noqon doono goolhayaha shaxda Zidane kow ka noqon doona.

Real Madrid ayaa haddaba iibsatay difaaca Eder Militao kaas oo la filayo in uu door muhiim ah ka ciyaari doono xili ciyaareedka soo socda laakiin waxa uu buuxin karaa booska Raphael Varane kaas oo doonaya in uu ka dhaqaaqo Madrid isla markaana ay kooxo badani ku dagaalamayaan.

Eder Militao ayaa difaaca dhexe kala ciyaari kara Sergio Ramos halka Marcelo uu soo ceshan doono booskiisa difaaca bidix kadib waqti adag oo uu soo maray iyada oo Dani Carvajal uu noqon doono difaaca midig ee uu Zidane ku shaqayn doono.

Toni Kroos oo mustaqbalkiisa Real Madrid shaki la galinayo ayaa la filayaa in Zidane aanu si sahlan ku sii dayn karin, sidaa daraadeed, waxay u badan tahay in uu shaxda Zidane qayb ka sii ahaan doono laakiin Real Madrid ayaa doonaysa in ay Man United kala soo wareegto Pual Pogba waxaana taas ka caawin karta in ay marka hore Varane u ogolaadaan in uu Old Trafford ku biiro.

Shaxda macquulka ah ee uu Zidane ku soo shirtagi karo waxaa khadka dhexe ugu jiri kara Luka Modric iyo Pual Pogba oo Kroos ka garab ciyaari kara, taas oo haddii uu Zidane isla helo wax wayn u suurtogalin karta.

Real Madrid ayaa sidoo kale bartilmaameedka kowaad ka dhiganaysa Eden Hazard kaas oo isaga laftiisu diyaar iyo badh u ah in uu Bernabue kaga hoos shaqeeyo Zidane wuxuuna dhawaan cadeeyay in Zidane uu ahaa shaqsigii uu kubbada cagta u bilaabay.

Sidaa daraadeed, Hazard ayaa garabka bidix ee weerarka Real Madrid kaga soo bilaaban kara xili ciyaareedka cusub, waana qorshe uu Zidane si wayn u doonayo in uu kaga dhabeeyo, halka Marco Asensio uu garabka midig ee weerarka ku soo bilaaban karo laakiin sidoo kale Mouro Icardi ayay isna macquul tahay in uu ugu danbayn Madrid ku biiri karo.

Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Zidane Ku Soo Shirtagi Karo Xili ciyaareedka Soo Socda:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here