Ma ogtahay in Messi uu Kepa kaga horreeyay Amar diidada…. (Ogoow goorta uu sameeyay iyo kulanka)

Dhacdadii uu sameeyay goolhaayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga inta lagu guda jiray kulankii Manchester City ee Final kii Carabao Cup-ka ayaa ah mid wali si weyn loo hadal haayo.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa soo xigtay in dhacdadan uu sameeyay goolhaaye Kepa Arrizabalaga aysan ahayn midii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah.

Manchester City ayaa rigoorooyin ku qaaday finalkii Carabao Cup-ka ay ku wada ciyaareen Chelsea garoonka Wembley, balse sheekada xiisaha badan ayaa ahayd in Kepa uu diiday in uu ciyaarta badal kaga baxo, si loo keeno Caballero.

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa si cad kaga soo hor jeestay amarka macalinkiisa Maurizio Sarri, kulankii ay guuldarada kala kulmeen Manchester City.

Hadaba wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa sheegtay in xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu horey u sameeyay dhacdadan oo kale, gaar ahaan kulan ay kooxda Eibar ku wada ciyaareen isbuuca 8-aad horyaalka La Liga xili ciyaareedkii 2014-2015.

Macalinkii hore ee kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa ka codsaday Messi inuu badal ku saaro 15-kii daqiiqo ugu dambeysay ciyarta, laakiin Lio ayaa muujiyay inuusan ku qanacsaneyn go’aanka macalinka, wuxuuna go’aansaday inuu dhabarka u jeediyo tababaraha.

Yeelkadeed, Luis Enrique ayaa ku qasbanaaday xiligaas inuu badalo go’aankiisa wuxuuna isla markiiba badal ku saaray xidigii hore kooxdaas ee reer Brazil Neymar Jr, halka uu ka saari lahaa Messi

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here