“Ma Jirto Cid U Dhaw”:- Jamie Redknapp Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan

Khabiirka Sky Sport ee Jamie Redknapp ayaa tilmaamay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan haatan maya wakhtiga xasaasiga ah.

Jamie Redknapp ayaa sheegay in ayna jirin cid xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Virgil Van Dijk ku haysata abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Holland ayaa door muhiim ah ka qaatay in ay kooxda Liverpool hogaanka horyaalka premier League u hayso xilli ciyaareedkan.

Ka hor intii ayna 4/3 uga badin kooxda Crystal Palace Liverpool ayaa laga dhaliyay kaliya 9 gool horyaalka.

Jamie Redknapp ayaana sheegay in ayna jirin cid xitaa u dhaw Van Dijk inkasta oo uu xiddigii hore ee England tilmaamay 5 xiddig oo u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka.

“Ma jirto cid u dhaw Virgil Van Dijk”ayuu Jamie Redknapp u sheegay Daily Mail.

“Waxa uu Liverpool u badalay qaar dhaga ah kuwaas oo ugu cad-cad in ay ku guulaystaan horyaalka premier League.

“Xiddiga Liverpool ee Mohamed salah ayaa dhankiisa u tartami kara xiddiga ugu fiican sanadka”.

“Waxa uu sii waday rikoodhkiisii cajiibka ahaa isaga oo dhaliyay 16 gool oo horyaalka ah.

“Pierre-Emerick Aubameyang & Kane oo Salah kula tartamaya gool dhalinta way ku jiraan sidoo kale”.

“Aubameyang waa gool dhaliye waliba jooga kooxda Arsenal oo dhibaatoonaysa in ay kubad fiican u abuurto, Kane waxa uu muhiim u yahay Tottenham”.

“Dhanka Man City xiddigaha Raheem Sterling, Leory Sane iyo Bernardo Silva waxa ay ku raaxaysanayaan xilli ciyaareed cajiib ah, laakiin waxa aan ku soo dari karaa sidoo kale David Silva”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here