Ma Jirto Cid Naga Takhalusi Kartaa, Waxa Aad Qortaan Nama Xiiso Galiyo-Jurgen Klopp Oo Si Adag Ugu Jawaabay Saxaafada Ingiriiska Ee Barbarihii Everton Buun Buunisay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u jawaabay saxaafada Ingiriiska ee sida wayn u dhaliisay kooxdiisa kadib barbarihii kulankii Everton. Klopp ayaa saxaafada ka soo hor muuqday kadib markii ay kooxdiisa Reds guul wayn oo 4-2 ah ka gaadhay kooxda Burnley wuxuuna u sheegay in waxa ay qoraan aanu iyaga xiiso galin.

Dhinaca kale Jurgen Klopp ayaa tilmaamay in ayna jirin cid kooxdiisa ka takhalusi kartaa isaga oo waliba digniin koobka horyaalka ah jeediyay. Liverpool ayaa caddaadiska sii saartay Man City oo hal dhibic ka saraysa.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya in barbarihii kulankii Everton aanu wax saamayn ah kooxdiisa kaga yeelan kalsoonida ayaa yidhi: ” Anagu dhibaato kalsoonida ah maanu qabin kadib ciyaartii Everton”.

Laakiin Klopp oo saxaafada Ingiriiska biyo qabow ku shubaya ayaa yidhi: “Ma aha in aad ka fikirtaan in waxaas oo dhan ee aad qorteen uu anaga saamayn nagu leeyahay. Ma aha sidaaas, waxa ugu badani anaga nama xiiso galiyaan,taas ayaa xaqiiqda ah”.

Klopp oo saxaafada Ingiriiska sii duraya ayaa yidhi: “Sidaa daraadeed, marka aan shan gool dhalino waxaad samaysaan ka badbadin oo aanu noqonaa kooxda aduunka ugu weerarka fiican, kadib marka aanaan waxba dhalin, waxaanu qabnaa dhibaato weerarka ah!”.

Intaa kadib Jurgen Klopp ayaa sheegay in guushii Burnley ay fariin ahayd wuxuuna yidhi: “Fariintayada maantu waa in aanu qofna naga takhalusi karin haddii aanu u ciyaarno sidii aanu maanta u ciyaarnay, sababtoo ah waxaanu haysanaa isku jirka ugu saxsan ee aanu kooxda naga soo horjeeda kula dagaalamayno, ku dagaalanka duruuraha iyo ciyaarista kubbada”.

Laakiin Klopp ayaan fursad ay kooxdiisu seeegtay u arkin in ayna goolal badan ku badin kulankii Burnley si ay farqiga goolasha ee Man City u soo yareeyaan wuxuuna yidhi: “Waxa kaliya ee aanu doonaynay waa saddexda dhibcood, dabcan farqiga goolashu waa muhiim sidoo kale, laakiin maxaad samayn kartaa? Waa in aad dhaliso goolasha ugu badan ee ugu suurtogalsan, taasi waa wixii aanu isku daynay, si ka fiican ayaanu u difaacan karnay, laakiin taasi suurtogal ma aha”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here