“Ma jiro farqi u dhaxeeya Solskjær iyo Mourinho”…. Louis van Gaal

Macalinkii hore kooxda Manchester United ee Louis van Gaal ayaa muujiyay fikirkiisa kaga aadan wax qabadka haatan tababare Ole Gunnar Solskjær ee Red Devils-ka.

Louis van Gaal ayaa lagu xasuustaa inuu soo maamulay kooxda Manchester United mudo dhan laba xili ciyaareed, kahor inta aan shaqada laga ceyrin, waxaana badal looga dhigay Mourinho oo isna bishii December shaqada laga ceyriyay, iyadoo si ku meel gaar ah shaqada loogu dhiibay tababare Solskjær ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan.

Van Gaal oo ka hadlayay xiligii Jose Mourinho ee kooxda Manchester United ayaa yiri:

“Warbaahinta ma falanqeeyaan kulamada, ee waxay falanqeeyaan natiijooyinka”.

“Mourinho wuxuu u badalay gadaasheey qorshaha kooxda qaab ciyaareed daafac ah (baska) wuxuuna u adeegsan jiray in kubada ay ku difaactamaan 10 ciyaaryahan”.

“Sidoo kale tababare Solskjær, wuxuu ciyaaraa qaab ciyaareed la mid ah, farqiga kaliya u dhexeeya ayaa ah inuu helo natiijo”.

Intaas kadib Louis van Gaal ayaa wuxuu ka hadlay fursada kooxda Manchester United ee tartanka Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan qabaa inay ku guuleysan karaan Champions League, sababtoo ah waxay ku ciyaaraan qaab difaaceed, weyna adag tahay in koox kasta ay ka adkaato, hadii aad jeceshahay iyo hadii kale, waxaana arintaas ku mahadsan Jose Mourinho”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here