Lyon Mise Barcelona? Kylain Mbappe Oo Haatanba Sheegay Kooxda Ay Taageeri Doonaan Kulanka Champions League & Sababta.

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylain Mbappe ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu taageeri doono kulanka todobaadka dambe ee champions League ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Lyon.

Xiddiga reer France ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay champions League ka gaadhay Man United isaga oo dhaliyay goolka 2-aad.

Mbappe oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidhi”Todobaadka dambe waxa aan taageeri doonaa Lyon kulanka Barcelona”.

“Waxa waajib nagu ah in aan garab istaagno kooxaha reer France waxana aan rajaynayaa in ay kooxaha reer France sii wadaan tartanka champions League waliba gaadhaan wareegyada dambe.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa kooxda PSG ka caawiyay in ay hal lug la sii gasho wareega 8 dhamaadka iyaga oo haatan doonaya in ay shaqada dhamaystiraan lugta 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here