Lyon IYo Barcelona Oo Is Mari Waayay , Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah Ayay Ku Kala Baxeen

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro la gashay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kulan ka dhacay Groupama Stadium.

Kulanka ayaa ahaa min ay kooxda Barcelona maamulaysay laakiin ay ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac cajiib ah oo ay dhigteen Kooxda Lyon.

Dhanka kale Kooxda Lyon ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay Barcelona kaga dhaliyaan goolal rogaal celis ah.

Barcelona ayaa samaysay fursado yar halka ay kooxda Lyon kaga fiicnayd kubadaha ay ku laagtay goolka iyaga oo 16 ku laagay laakiin kaliya 2 kaliya goolka la helay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro goolal la,aan ah kulan Barcelona soo bandhigtay qaab ciyaareed aan fiicnayn.

Qaybtii dambe ayay kooxda Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro halis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Laakiin waxa u suurtagali wayday in ay soo taabtaan shabaqa kooxda Lyon kuwaas oo si fiican u difaacanayay goolkooda.

Waxa siaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Lyon bar-baro goolal la,aan ah ku qabatay kooxda Barcelona iyada oo lagu kala bixi doono garoonka Camp Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here