Lukaku, Pogba, De Gea, Sane, Salah, Danilo, Neymar & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada u imanaya weeraryanka Romelu Lukaku marka la gaadho xagaaga xilli weeraryahanka reer Belguim albaabka u furay in uu ka tago Old Trafford (Telegraph)

Xiddigaha Paul Pogba iyo David De Gea ayaa in ayna Man United u soo bixin champions League u isticmaalaya in kor loogu qaado mushaharkooda hadii ay heshiis cusub u saxiixayaan kooxda (Times).

Xiddigaga Leroy Sane iyo Gabriel Jesus ayaa ka mid ah 8 xiddig oo kooxda Man City ka dalbaday in ay isaga tagaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (El Chiringuito).

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Danilo xilli uu xiddigu ogolaaday heshiis 4 sano ah oo ay kooxdu u soo bandhigtay (Calciomercato).

Xiddiga kooxda Bartilmaameedka u ah kooxda Arsenal una ciyaara kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay Ajax u soo bandhigtay laakiin wakiilka xiddiga ayaa qirtay in uu xiddigu doorbidayo in uu ku biiro horyaalka Serie A-da (Football London).

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn ugu rajo weyn saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Paris St-Germain ee Neymar (Marca).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa shaaciyay in uuna Weeraryahanka Olivier Giroud ka tagi doonin chelsea xagaaga heshiis cusubna u saxiixi doono (Telegraph).

Kooxda Bayern Munich ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen (Star).

Kooxda Juventus ayaa heshiis cusub u soo bandhigaysa da,yarka wacdaraha dhigaya ee Moise Kean si ay meesha uga saarto xiisaha ay kooxda PSG u qabto adeegiisa (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay xiddiga kooxda Lille ee Nicolas Pepe kaas oo ay u aragto badalka Mohamed Salah Hadii uu ka tago kooxda (Le10Sport).

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco xilli ay Man City isaga baxday tartanka ay ugu jirtay xiddiga (Don Balon).

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda Eintracht Frankfurt oo ay ka doonayso weeraryahanka Luka Jovic kaas oo lagu helayo 60 Milyan oo euro (AS).

Real Madrid ayaa dhanka kale ku dhaw in ay wadahadalo la furto kooxda Tottenham oo ay ka doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen kaas oo lagu qiimeeyo 80 milyan oo euro (Don Balon).

Weeraryahanka kooxda Roma ee Edin Dzeko ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Inter Milan kadib markii uu iska diiday ku laabashada Premier League (AS).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here