Luka Modric: Waxa Heshiiskayga Ka Dhiman 18 Bilood, Xitaa Waxa Aan Doonayaa In Aan Sii Joogo Wakhti Ka Dambeeya, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ugu dambayn mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid waliba shaaca ka qaaday qorshihiisa.

Luka Modric ayaa si Rasmi ah albaabka uga xidhay kooxda Inter Milan kuwaas oo muddo dheer ku raad joogay saxiixa xiddiga.

Xiddiga ku guulaystay Ballon d’Or-ka ayaa si weyn loola xiriirinayay inter Milan ilaa xagaagii xilli ay sii socdaan wadahadalad la xiriirinayay.

Laakiin Kabtanka reer Croatia ayaa niyada ka jabiyay kooxda Inter Milan isaga oo sheegay qorshihiisa uu ku doonayo in uu ku sii joogo Real.

Heshiiska Modirc ee haatan ayaa dhamaan doona xagaaga 2020 waxana ay Inter Milan ku rajo weynayd in ay ka afduubato khabiirka.

“Anigu waan ka daganahay dhanka mustaqbalkayga, wali waxa ii hadhay 18 bilood oo heshiiskayga ah”ayuu Modric u sheegay Marca.

“Rabitaankayga ayaa ah in aan xitaa halkan sii joogo muddo dheer sababta oo ah waan ku faraxsanahay halkan min maalintii ugu horaysay ilaa maanta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here