Luis Van Gaal: Jurgen Klopp Waxa Uu Cashar U Dhigaa Pep Guardiola Halkan Arin Ayaan Cadayn U Ah

0

Tababarihii hore ee kooxda Man United Luis Van Gaal ayaa sheegay in uu tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp cashar u dhigayso dhigiisa kooxda Man City ee Pep Guardiola xilli ciyaareedkan.

Luis Van Gaal ayaa aaminsan in ay kooxda Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League inkasta oo ay City garaacday Liverpool Khamiistii.

Tababaraha 67 jirka ah ayaa aaminsan in ay Man City haysato xiddigo ka fiican Liverpool laakiin uu Klopp cashar tababarka ah barayo Guardiola.

“Klopp waxa uu Liverpool ka dhigay aalad dagaal, hadii ay tahay weerarka ama difaaca sidaas darteed waxa aan shardi ku galayaa in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee ku guulaysan karta horyaalka”.

“Man City ayaa haysata xiddigo ka fiican kuwa Liverpool marka loo eego dhanka tayada xiddigaha labada kooxood”.

“Laakiin sidoo kale waa diciifnimada tababare Guardiola kooxdiisa waxa uu kaliya baray sida loo weeraro laakiin marka ay difaacanayaan waxa aad moodaa qaar baqaya, Liverpool waxa ay haystaa koox difaac iyo weerar isku xidhan”.

“Klopp waxa uu baray kooxdiisa sidii ay u noqon lahaayeen dagaalyahano hadii ay haystaan kubada iyo hadii kaleba, waana waxa ka maqan Guardiooa”.

“City waxa ay leedahay qaab ciyaareed weerar oo cajiib ah laakiin ma lahan ruux dagaal yahan ah, khalad ha ii fahmin waan jecelahay qaab ciyaareedka city laakiin waxa ka cajiibsan qaabka Klopp u ciyaarsiiyo kooxdiisa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here