Luis Suarez Oo Xaqiijiyay Ku Biirista Denis Suarez Ee Arsenal Fariin Macasalaamayn Ahna U Diray.

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa nasiib wacan u Rajeeyay xiddiga Denis Suarez ee isku diyaarinaya in uu ku soo biiro kooxda Arsenal.

Labada kooxood ayaa ugu dambayn ka heshiiyay saxiixa xiddiga inkasta oo ay Arsenal diiday in ay heshiiska ku daro in ay si qasab ah ula wareegto xiddiga 25 jirka ah marka uu dhamaysto heshiiskiisa.

Suarez ayaa baneeyay booskii uu ku lahaa qolka Labiska Barcelona Salaasadii isaga oo sidoo kale macasalaameeyay saaxiibadiisa Barcelona si uu ugu soo duulo London Maanta oo Arbaca ah.

Xiddigii hore ee Liverpool ee Luis Suarez ayaa haatanba sii xaqiijiyay in uu heshiisku dhici doono isaga oo bogiisa Instagram-ka soo dhigay isaga iyo Denis oo laabta is garanaya kuna qoray” Nasiib Wacan Tartankaaga cusub”.

Denis Suarez ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda Barcelona si uu ugu biiro kooxd uu si joogto ah ugu ciyaari karo.

Xiddiga ayaa kaliya 2 kulan oo horyaalka La Liga ah u saftay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo waliba labada kulanba kaydka ka soo kacay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here