Luis Suarez Oo Sheegay Sababta Uuna Lionel Messi Dib Ugu Daawan Kulamada Barcelona.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa sheegay sababta uuna Lionel Messi dib ugu daawan kulamada kooxdiisa.

Suarez ayaa ka garab ciyaaray Messi tan ilaa 2014 markii uu kaga biiray kooxda Liverpool lacag ku kacaysa 65 milyan oo euro.

Xiddiga reer Uruguay ayaa wakhti badan ku qaatay in uu Messi la qaato marka ay ka baxsan yihiin garoomada waxana uu ka hadlay dhaqankiisa.

Markii wax laga waydiiyay in uu Messi daawado kulamada Barcelona wakhtiga uu fasaxa yahay si uu u qiimeeyo qaab ciyaareedkiisa ayuu yidhi” Maya, laakiin waxa aan in badan ka hadalnaa xaalada kulamada”.

“Waxa fiican iyo waxa xun sababta oo ah waxa jira maalmo ay kooxdu badiso laakiin aad niyad jabsanaato sababta oo ah maad soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Leo waxa uu si weyn uga xanaaqaa marka uuna soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah”.

Barcelona ayaa haatan kaalinta 1-aad kaga jirta horyaalka La Liga iyada oo 5 dhibcood ka horaysa kooxda Atletico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here