Luis Suarez Oo Markiisa Ka Maadsaday Kooxda Real Madrid Kadib Fashilkii Champions League

0

Luis Suarez ayaa ka mid ah dadkii ka maadsaday kooxda Real Madrid kadib markii laga reebay tartanka champions League habeenimadii xalay.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa boga Twitter-ka uga maadsaday Real Madrid kadib markii ay Ajax 4/1 ugaga badisay Real Madrid.

Suarez ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Hamblayo, Waxa aan mar walba ahaa taageere Ajax ah”.

Xiddiga Barcelona ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Ajax ka hor inta uuna kaga biirin kooxda Liverpool halkaas oo uu Barcelona kaga soo biiray 2014.

Real Madrid ayaa sanadkan bixi doonta koob la,aan kadib markii ay muddo 8 maalmood ah kaga quusatay 3 koob oo ay ka qayb ahayd.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here