Luis Suarez Oo Liverpool Ka Caawinaya In Ay Hesho Weeraryahan Wacdaro Ka Dhigaya La Liga

Kooxda Liverpool ayaa suuqa u gali doonta sidii ay ula soo saxiixan lahayd weeraryahan cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa Maxi Gomez kadib markii uu Luis Suarez u sheegay kooxdiisii hore in ay la soo saxiixdaan xiddiga Celta Vigo.

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa boos weyn ku baneeyay Liverpool waxana ay kooxdu si aad ah u doonaysaa in ay ku guulaysato Horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxana uu xiddigu u sheegay in ay u dhaqaaqaan xiddiga Celta Vigo ee Gomez kaas oo ah xiddiga ay u baahan yihiin in uu hogaamiyo weerarkooda.

Laakiin Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda cheslea oo doonaysa xiddiga 35 milyan lagu qiimeeyo sida laga soo xigtay wargayska The Sun.

Chelsea ayaa raadinaysa dhankeeda weeraryahan cusub hadii ay dhacno in uu Gonzalo Higuain ku laabto Serie A-da dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Liverpool ayaa ugu cad-cad xilli 17 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga sabab la xidhiidha in ayna chelsea suuqa wax xiddig ah kala soo iibsan karin xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here