Luis Suarez Oo Khatar Ugu Jira In Gadhka Loo Galiyo Ganaax 2 Kulan Ah, Sabab

0

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa khatar ugu jira in uu wajaho ganaax kadib dhacdadii kulankii El Clasico ee Garsoore Antonio Mateu Lahoz.

Kooxda Barcelona ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Real Madrid kulan ka dhacay groonka Camp Nou kana tirsanaa lugtii 1-aad ee Semi-finalka tartanka Copa del Rey-ga.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga weerarka uga ciyaara Barcelona ee Luis Suarez wajahayo ganaax 2 kulan ah kadib markii uu weerar ku qaaday garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulan ee Antonio Mateu Lahoz

Suarez ayaa si weyn uga soo hor jeeday go,aanadii uu garsoore Antonio Mateu Lahoz ka qaadanayay kulankii xalay ee El Clasico

Xiddigii hore ee Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay dhacdad uu Suarez sameeyay oo kale taas oo keentay in ganaax dusha laga saaro markii uu la murmay garooraha.

Sida laga soo xiganayo xeerka 117-aad ee xiriirka Spain hadii uu xiddigu nooc walba weerar ugu qaado garsooraha waxa uu mudan yahay ganaax 2 kulan ah.

Gudida Anshaxa ee xiriirka Spain ayaa xaalada xiddiga reer Uruguay ka shiri doona maalinta Jimcaha iyaga oo go,aan ka soo saari doona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here