Luis Nani: Luka Modrc Waa Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Khadka Dhexe Laakiin Cristiano Ronaldo Ayaa U Qalmay Abaalmarinta Ballon d’Or Arintan Ayaana Cadayn U Ah

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon horayna ugu soo ciyaaray Man United Luis Nani ee Ballon d’Or ayaa hoos u dhigay ku guulaysiga xiddiga Real Madrid ee abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.

Nani oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Shaki la,aan Luka Modric waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe”.

“Laakiin Inkasta oo uu ablaamirinta Ballon d’Or-ka ku garaacay xiddigaha Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo xiddigo kale laakiin Aniga ahaan Cristiano Ronaldo ayaa u qalmay abaalmarinta marka loo eego wixii uu soo bandhigay”.

“Xiddigaha ugu fiican adduunku waa kuwa farqiga u sameeya kooxohooda waana waxa uu sanadkii hore Cristaino Ronaldo sameeyay isaga oo waliba joogay Real Madrid”.

“Xitaa markii uu Real ka tagay xagaagii kuna biiray Juventus wali waxa uu sii wadaa jabinta rikoodhada isaga ayaana u qalmay in uu ku guulaysto abaalmarinta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here