Luis Figo Oo Ka Hadlay Sababtii Dhabta Ahayd Ee Uu Uga Tagay Barcelona Uguna Biiray Real Madrid

0

Halyeeyga reer Portugal ee Luis Figo ayaa dib u soo xasuustay ku biiristii kooxda Real Madrid ee ay sida weyn xafiiltmanaan kooxda Barcelona.

Luis Figo ayaa dhanka taageerayaasha Barcelona ka ah khiyaamoole kadib markii uu sanadkii 2000 ku biiray kooxda Real Madrid isaga oo waliba la kulmay dhaleecayn iyo Orin badan marka uu ka hor tago kooxda Barcelona.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa soo tabiyay waraysiga khabiirka reer Portugal”Waxa aan shan sano oo cajiib ah ku qaatay kooxda Barcelona, Wakhtigaas waxa la galayay doorasho waxana u tartamayay Josep Lluís Núñez, kumana kalsoonayn isaga, waxa uu kuu balan qaadayay dayaxa isaga oo aan keeni kari”.

“Wakhtigaas ayaan bilaabay in aan ku biiro Real Madrid, arinta ayaa noqontay mid run ah ilaa markii aan heshiis la gaadhay madaxweynaha kooxda ee Florentino Peres”.

“Markaas kadib waxa ay ii sheegeen hadii aan ka laabto heshiiska aan la gaadhay waxa ay heshiiskayga ku xidhidoonaan lacag lagu bur-buriyo laakiin maan saxiixin heshiiskii ay doonayeen”.

“Waxa iga yaabiya ayaa ah kuwa dadka dabadooda ka hadlay waliba qoraya waxyaabo ay dadka ku raali galinayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here