“Liverpool Way Ku Garaaci Doontaa Man City Hanashada Horyaalka Sababta Oo Ah Hal Is Badal Oo Weyn”:-Souness

0

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa sheegay in ay Liverpool ku guulaysan karto horyaalka premier League kadib markii ay samasay hal is badal.

Graeme Souness ayaa Liverpool ku taageeray in ay ku guulaystaan horyaalka premier League sababta oo ah waxa ay ugu dambayn barteen sida loo badiyo xitaa hadii ay qaab ciyaareed xun soo bandhigaan kulanka.

Reds ayaa wali 4 dhibcood ka horaysa kooxda Man City kadib markii ay si dirqi ah uga badiyeen kooxda Crystal Paalce kulan ka dhacay Anfield.

Kooxda Jurgen Klopp ayuu nasiibku ka caawiyay in ay guul ka gaadho Crystal Palace kadib qaab ciyaareed dhanka daafaca ah oo aad u xun oo ay soo bandhigtay.

Liverpool ayaa hal dhibic kala bixi lahayd kulanka laakiin hal khalad oo uu sameeyay goolhaye Julain Speroni ayaa Reds ka caawiyay in ay guul gaadho.

Laakiin xiddigii hore ee khadka dhexe ee Liverpool ee Souness ayaa aaminsan in ay arintaas muujisay in ay haatan awood u leeyihiin ku guulaysiga koobkoodii ugu horeeyay ee horyaalka 29 sano kadib.

“Waxa aan ku jirnaa boos cajiib ah”ayuu u sheegay Website-ka kooxda.

“Wali ma lahan koobka waayo waxa jira kulamo badan oo hadhsan Man city-na waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed fiican”.

“Kaliya waa in ay is dajiyaan oo ay kulan walba ula dhaqamaan mid ka muhiimsan midka kale”.

“Hadii ay sii wadaan 3-da dhibcood ee ay ka horeeyaan City waxa ay fursad u haystaan in ay ku guulaystaan horyaalka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here