Liverpool vs. Arsenal: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Sabtida

0

Kulanka ugu dambeeya ee premier league Sanadka ayaa noqon doona mid weyn marka ay kooxda Liverpool ee hogaanka u haysa horyaalka premier League marti galin doonto kooxda Arsenal kulan ka dhici doona Anfield.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ilaa haatan natiijooyin fiican ka helaysa kulamada wakhtiga mashquulka ah la ciyaarayo iyada oo guulo gaadhay kulamadii Wolves iyo Newcastle.

Dhanka kale Arenal ayaa hal kulan badisay mid kalena bar-baro gashay sidaasna ku heshay 4 dhibcood labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa ka mid ah 3 kooxood oo ayna Liverpool guul ka gaadhin xilli ciyaareedkan halka ay Gunners kulanka u soo galayso in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo xushay shaxda Isku dhafka ah ee kooxaha Arsenal iyo Liverpool iyaga oo soo xushay kaliya xiddigaha taamka u ah in ay ciyaaraan kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda Sports Mole iyaga oo ku leh 9 xiddig halka xiddigaha Torreira iyo Aubameyang yihiin kaliya 2-da xiddig ee ay Arsenal ku leedahay shaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here