Liverpool, Real Madrid Mise Barcelona? Joleon Lescott Oo Tilmaamay Kooxda Kaliya Ee Champions League Ka Reebi Karta Man City

Daafacii hore ee kooxda Man City Joleon Lescott ayaa tilmaamay halka koox ee awooda u leh in ay tartanka champions League ka reebto kooxda Man City xilli ciyaareedkan.

Joleon Lescott ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee Man City joojin karta tartanka champions League marka loo eego kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Man City iyo Liverpool ayay labadooduba wada gaadheen wareega 16-ka tartanka champions League.

City oo la ciyaartay kooxda Schalke ayaa uga badisay 3/2 halka ay Liverpool bar-baro goolal la,aan ah la gashay Bayern Munich.

Liverpool ayaa Man City ka reebtay Man City tartanka xilli ciyaareedkii hore iyaga oo guul 5/1 ah ka gaadhay markii la isku daray labada lugood.

Lescott ayaan aaminsan in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee dhibaatada ku ah Man City marka loo eego kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

“Waxa aan bilowgii xilli ciyaareedkan in ay halka ay haatan taagan yihiin gaadhi doonaan”ayuu Lescott ka yidhi Man City.

“Way adagtahay in la arko koox garaaci karta tartanka champions League”.

“Waxa aan aaminsanahay sanadkii hore hadii ay ka fogaan lahaayeen Liverpool in ay ku guulaysan lahaayeen tartanka”.

“Waxan u malaynayaa in hadii ay ku aadaan Real Madrid Ama Barcelona in ay garaaci karaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here