Liverpool Oo Xasuuqday Arsenal, 5/1 Ayay UIga Talaabsaden Xilli Hogaanka Horyaalka Ay Sii Dheereysteen .

0

Kooxda Liverpool ayaa ciyaar awood leh waxa ay nasiinada ugu ditrtay Arsena 4/1 ka dib markii kooxda waqooyiga London ka dhisan ay ku hor mareen goolka koowaad .

Biloowgii guud ahaan waxa ay ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh waxaanadar dar wacneyd Liverpool balse halis gilin muuqata ma aysan sameyn waxa ayna rsenal la daala dhaceysay in ay kubadda uun iska soo bixiyaan .

Sidaas oo ay tahay kubad weerar ah oo ay qaadeen Arsenal oo uu soo dhisay Alex Iwobi walibana uu ku qajafeeyay goosha Liveprool waxaa dhaliyay Ainsley Maitland-Niles daqiiqaddii 11-aad.

Balse dabaal deggaas waqti badan ma qaadan waxaana Arsenal lagu helay goolka bar bar dhaca ka dib kubad uu soo jiiday Firminho ka dibna u baasay Salah balse kubaddii waxa ay ku dhacday daafaca Arsenal balse inta ay is eegayeen ayaa waxaa ka faa`ideystay Firminho oo shabaqa dhigay daqiiqaddii 14-aad .

Waxaa goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca Arsenal ah , xilli dabaal degga uu socday ayay Liverpool heleen gool labaad ka dib markii Mane uu kubad ka soo dafay daafaca Arsenal ayuu u baasay Firminho kaasi oo daafaca Arsenal seexiyay isla markaan dhaliyay gool cajiib ah daqiiqadii 16-aad .

Ka dib xaalka faraha ayuu ka baxay , waxaana Arsenal ku dhacay isku dhex yaac wanaa adkeyd in kubadda u soo jiidaan afka hore waliba qaab saxan .

Liverpool duulaankeeda ma aheyn mid kala joogsi leh waana laga filan karay goolal dheeraad ah waana yimid daqiiqaddii 32-aad waxaan saxiixay Sadio Mane oo gool cajiib ah dhaliyay ka dib baas uu ka helay Salah .

Ka dib goolkaas , ciyaartooyda Arsenal waxa ay u muuqdeen kuwo is dhiibay waxa ayna marti u ahaayeen qaladaad daafac oo qeyb ka ahaa goolasha ka dhashay , waxaana dhamaadkii lagu helay rikoore ka dib qalad lagu galay Salah isla laacibka ayaana dhaliyay rigooradaas daqiiqaddii 45-aad , waxaana lagu nastay 4/1 oo ay Liverpool ku gacan sareysay .

Soo laabashadii , Arsenal waxa ay horay u soo giliyeen Laurent Koscielny oo loo badalay Mustafi si ugu yaraan hanaanka daafaca kooxda uu isu badallo .

Arsenal waxaa dhib ka haystay in kubadda ay gaarsiiyaan afka hore ee goosha Arsenal waxaana sidoo kale lagu dilayay kubadaha deg degsiimada leh , waxaana daqiiqaddii 54-aad gool laad ahaa laga bad baadiyay Firminho

Inkastoo Arsenal mararka qaar ay la baxsanayeen kubadaha hadana dhameystirka ayaa ka maqnaa xilli Liverpool ay mar waliba aheyd koox halisteeda wadata , wax auuan Klopp daiiqadii 64-aad badalay Mane isaga oo soo giliyay Jordan Henderson.

Dar-dartii Liverpool waxaa ku yimid gool 5-aad waxaana rigoore ku dhaliyay Firminho daqiiqaddii 65-aad waxa uuna u ahaa goolkiisii sedexaad ee kulanka .

Dhamaadkii , Liverpool gool 6-aad ayay baadi goobayeen xilli Arsenal ku jireen niyad jab maadaam qeybta labaad aysan qaadin weerar muuqda , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 5/1 oo ay guusha ku raacday Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here