Liverpool Oo Warbixin Fiican Ka Heshay Gomez, Lovren & Oxlade-Chamberlain, Goorma Ayay Soo Laaban Doonaan

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday war ka farxin doona taageero kasta oo Liverpool ah iyada oo uu Joe Gomez garoomada ka soo laaban doono bisha dambe March.

Klopp oo warka fiican sii wada ayaa sheegay in uu daafaca Dejan Lovren ku soo laabtay tababarka buuxa isaga oo kaydka ka soo muuqan doono kulanka Everton ee Derby-ga.

Tababaraha ayaa intaas sii raaciyay in uu sidoo kale Alex Oxlade-Chamberlain ku dhaw yahay in uu ku soo laabto ciyaarista kooxdiisa.

Gomez ayaa dhaawac ku maqnaa ku dhawaad muddo bil ah kadib markii uu dhaawac jab lugta ah ka soo gaadhay kulankii Burnley ee bilowgii bishii December.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in qaliinkii lagu sameeyay Gomez uu noqday mid guul noqday isaga oo xiddigu haatanba ku soo laabtay tababarka kooxdiisana si Rasmi ah ugu ciyaari doono bartmaha bisha March kadib dhamaadka fasaxa xulalka.

“Waxan u malaynayaa kadib fasaxa xulalka in uu Gomez diyaar ahaan doono, hadii ay cid kale dhaawacanto waxa ay haysan doonaan wakhti fiican”ayuu yidhi.

“Joe waxa uu ku jiraa soo kabsashada, waxa uu ku jiraa qaab fiican, waxa uu qaaday talaabo Fiican”.

Klopp ayaan dhanka kale haysan daafacyo badan isaga oo Fabinho u isticmaalay daafaca dhexe laakiin arintaas ayaa haatan is badali doonta.

Dejan Lovren ayaa dhankiisa si buuxda ugu soo laabtay tababarka waxana uu kooxda ka caawin doonaa dookh daafac oo badan iyada oo uu daafacu taam u noqon doono kulanka Burnley.

“Dejan waxa uu u muuqdaa mid fiican waxana uu haatan bilaabay tababarka caadiga ah waxana uu diyaar noqon doonaa kadib kulanka Everton”.

Dhanka kale Oxlade-Chamberlain ayaa garoomada ka maqnaa muddo 10 bilood ah kadib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay kulankii lugta 2-aad ee Roma ee champions League xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay tababarka waxana uu kulamada u ciyaari doonaa kooxda 23 jirada ka hor inta uuna kooxda 1-aad ku soo biirin.

“Ox waxa uu 70% la qaataa tababarka kooxda 1-aad.

“Waxa uu qaataa tababar buuxa laakiin ma qaato sida xiddigaha kale, kadib waxa uu ka baxaa tababarka si uu u qaato tababar fudud”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here