Liverpool Oo Wadahadalo La Qaadatay Xiddiga Baxsadka Ka Ah Chelsea Ee Callum Hudson-Odoi & Kooxda Ugu Cad-Cad Helitaankiisa Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay xiddiga baxsadka ka ah kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi si ay u helaan adeegiisa.

18 jirkan ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Ku ciyaarta Stamford Bridge si uu ugu biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ay Bayern Munich 35 milyan diyaar ula tahay in ay kula wareegto.

Laakiin sida laga soo xigtay Bild Liverpool ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo la qaatay Callum Hudson-Odoi bilowgii Janaury.

Wargayska reer Germnay ayaa sheegaya in ay kooxda Anfield la kulantay wakiilka xiddiga ahna walaalkii si ay ugala hadlaan xiisohooda.

Callum Hudson-Odoi ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxda reer Germany ee RB Leipzig laakiin kooxda Bayern Munich ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro xiddiga.

Heshiiska xiddiga ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana ay kooxda chelsea u soo bandhigtay heshiis cusub laakiin xiddiga ayaa iska diiday isaga oo ay ka go,antahay in uu isaga tago kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here