Liverpool Oo Ugu Dambayn War Cad Ka Soo Saartay Wararka Mohamed Salah La Xidhiidhinaya Juventus.

0

Kooxda Liverpool ayaa warbixin ka soo saartay wararka xiddiga Mohamed Salah la xiriirinaya kooxda Juventus maalmihii ugu dambeeyay.

Maamulka Liverpool ayaa ku kalsoon in ay sii haysan doonaan xiddiga ugu muhiimsan ee Mohamed Salah inkasta oo lala xiriirinayo Juventus.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Reds ku kalsoon tahay in ay sii haysan doonto Mohamed salah kadib markii ay lacag rikoodh ah ka soo saareen faa,iidada sanadkii tagay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus diyaar la tahay lacag dhan 125 milyan oo euro ama lacag dhan 50 milyan oo euro iyo xiddiga Paulo Dybala.

Laakiin Liverpool ayaa sheegtay in ay diidi doonto dalab kasta oo u yimaada xiddiga reer Masar maadama ayna ku qasbanayn in ay wax xiddigo muhiim ah iibiyaan.

Liverpool oo sanadkii 2014 ku qasbnaatay in ay dhaqaaqo xumo darteed Barcelona uga iibiso xiddiga Luis Suarez ayaa sanadkan soo xeraysay faa,iido weyn.

Kooxda ayaa ilo wareedyo ku dhaw u sheegtay” Liverpool mar dambe ma ahan koox iibinaysa xiddigaha ugu muhiimsan”.

“Ma jiro qorshe dambe oo ay kooxdu ku iibinayso xiddigaha ugu muhiimsan kooxda iyaga oo diidi doona dalab kasta oo laga soo gudbiyo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here